SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xaduuda Somalia iyo Kenaya oo Howgallo ay ka socdaa magaalada Mandera

Ciidanka dowladda Kenya ayaa saaka howlgal ka wadda degaano hoos yimaada degmada Mandera ee dalka Kenya , ka dib markii ay soo baxday cabsi ku aadan in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku sugan yihiin degmada Mandera ee dalka Kenya.

Taliyaha qeybta Booliska degmada Mandera ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu baadi goobaayo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo inta badan weerar dhaba gal ah u geystay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Waxa uuna sheegay in ay jiraan dad badan oo lagu tuhmaayo in ay Shabaab xiriir la leeyihiin oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka dowladda Kenya.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ay soo bogsanayaan Saddex qof oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay degaano hoos yimaada degmada Mandera.

Taliyaha ciidanka Mandera ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan howlgalada ay ka wadaan degmada Mandera iyo sidoo kale degaanada Hoos yimaada .

Saraakiisha dhanka amniga dalka Kenya ayaa sheegay in ay jiraan weeraro kusoo wajahan dalka kenya, sidaas darteedna dowladda looga baahan yahay in ay laba jibaarto xaqiijinta amniga.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in ay si wey u adkeeysay ammaanka degmada Lamu iyo sidoo kale magaalo xeebeedka Mombaza.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®