SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Lagu eedeyay In Fara gelin uu ku hayo Doorashada Aqalka Hoose

C/laahi Coonka oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka waqtigooda idlaaday ayaa ku eedeyay madaxweynaha Maamulka hirshabeelle Cali C/laahi cosoble iyo guddiga Doorahsooyinka Hirshabeelle in ay mas’uul ka yihiin Musuq Maasuq hareeyay doorashada aqalka hoose ee ka socoto Magaalada Jowhar.

Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in aqoon durugsan oo heer kala maareyn doorashooyin aysan laheyn dadka kamid ka ah guddiga doorashooyinka hirshabeelle arintaani ay keentay Musuq Maasuqa ugu badan.

C/laahi Coonka ayaa dhinaca kale sheegay in beelaha qaar ergooyin aysan soo xulan in la xareynayo islamarkaana beelaha qaar oo qilaaf dhexdooda uu ka jiro la gelinayo doorashooyinka.

Ugu danbeynti Xildhibaankaan ka tirsan Baarlamaanka waqtigiisa uu idlaaday ayaa waxa uu sheegay in xildhibaanada dhawaaan lagu doortay Magaalada Johwra ay u badan yihiin kuwo ku soo baxay si Musuq Maasuq ah arintaana ay meel ka dhac ku tahay sharafta dadka dego gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®