Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee baaba . war bixin la xariirta hab dhaqanka Dowladda Liibiya (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Hawiyinimo ka doortey?!!!.(Riix halkaan)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hala sugo(Riix halkaan)
58 qof oo Ciidamada Ethiopia ay shalay xasuuqeen(Riix)
Ma`ooyey Markaan Xorownay? (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Ka Doortay Isaaqnimo(Riix halkaan)
Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda(Riix halkaan)
Caruurta laga xado Soomaaliya oo la geeyo Adis(Riix halkaan)
Somaliya Maanta Heerka Ay Taaganthay!!!(Aragti)(Riix halkaan)
kuwee Dooranayaa M Dheere,C/taax (Faallo)(Riix halkaan)
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Somaliya.(Aragti)(Riixn)
Mareykanka oo dano gaara ah ka leh Soomaaliya(Riix halkaan)
Goormuu Oday noqday C/llahi bal calaamada Illaahay?(Riix)
Shariifow ama Mudulood ahoow ama Muslim ahoow (Riix)
29/12/2010
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Qeybtii 18-aad Sheekooyinka lagu soo halqabsado ee murti ahaanta loo isticmaalo

Qeybtii 18-aad

QOFKA WANAAGSAN WANAAGIISA KAMA SHEEKEEYO.

Beri baa saddex nin waxay ka sheekaynayeen wanaaga iyo deeqsinimada, arrintaana saddexdooda mid ugu horeeya way isku khilaafeen, oo kii koowaad wuxuu yiri; "Anigu waxaan ahay ninka ugu deeqsisan Magaalada", kii kalena wuxuu yiri; "Aniga ayaa kaa deeqsisan" kii saddexaadna wuxuu yiri "Aniga yaaa labadiinaba idinka deeqsisan".

Markay ku heshiin waayeen saddexdoodii qofka ay siin lahaayeen kan ugu wanaagsan ayaa waxay u tageen nin waayeel ah oo waayo badan adduunyada soo joogay, waxayna ka codsadeen inuu kala saaro isagoo qof kastana ku doodaya ninkii hortiisa inuu isagu yahay kan magaalada ugu deeqsisan. Hase yeeshee ninkii odayga ahaa wuxuu ku yiri nimankii; "hadalkan aad dhuraysaanw wax faa'iido ah oo uu leeyahay ha sheego deeqsinimo wanaagsan ee uu sameeyey makaas ayaan idinkala xukumaynaaye", kii koowaad ayaa hadalkii bilaabay oo wuxuu yiri; "Sanad baan waxaa dhacday dhibaato, waxaana lo'daydii u qeybiyey masaakiin si ay u irmaansadaan oo ay caanaha uga dhamaan ilaa ay ka dhamaato dhibaatadaas, ee aniga wax iga deeqsisan miyaa jira"?. Kii labaad ayaa isna makiisa qaatay oo yiri "Habeen saqdii dhexe ayaa waxaa iisoo martiday labaatan nin oohabaqle ahgurigaygan wax daqiiq ah ma aanay oolin, ciidan kalena ma aanan haysan oo aniga iyo xaaskayga ayaan aheyn, waxaana u gowracay martidii xilligaas wan, waxaan u shiiday haruur oo aan muufo uga sameeyey naagtaydiina way u karisay ilaa martidii oo dhan ay casheeyeen oo ay dhargeen, xilligaas oo kale yaa waxaas oo kale sameyn oo aan aniga aheyn, ee ma wax iga deeqsisan baa jira"?.

Kii saddexaad wuxuu yiri; "waxaan ku safray beri meel lamadegaan ah waxaana sahay u watay in yar oo biyo ah, waxaa iga hor yimid nin uu daaliyey oon, waxaan siiyey wixii yaraa ee biyaha ahaa ee aan watay ee aan naftayda u waday, waxaan iska joogay maalintii oo dhan anigoon biyo afka saarin oo carrabka laalaadinaya ilaa meeshii aan u socday aan ka imid, yaa sameyn kara deeqsinimadaa nafta huridda ah aniga maahee, ma wax iga deeqsisan baa jira"".

Odaygii oo saddexdoodiiba isku dhagaystay wuxuu ku yiri markay hadalkii dhameeyeen; "idinkuma jiro nin deeqsi ah, waayo qofka wanaagsan wanaagiisa kama sheekeeyo'.


BEEN HA SHEEGIN.

Beri baa oday wuxuu wiilkiisii ku yiri; "Aabow waxaan doonayaa inaan kula dar-daarmo" wiilkii oo aabihii u soo dhawaaday ayaa yiri; "Ii dar-daaran aabe waan ku dhagaysanayaaye", wuxuu yiri Aabihii; "Waxaan kugula dar-daarmayaa wiilkaygiiyow inaadan been sheegin waligaa". Sanooyin badan ayuu aabihii sii noolaa, kadibna wuu dhintay, wiilkii wuxuu noqday markaa wiil agoon ah oo sabool ah, wuxuuna ka tagay magaaladiisii si uu nolol u doonto, intuu jidka sii socday ayuu aad u oomay, wuxuuna ka helay saxarihii dhexdiisa ceel, wuxuuse ceelka agtiisa ku arkay lafo iyo qalfoof dadeed oo badan, isagoo la yaaban waxa dadkan laayey ayuu meel fog wuxuu ka akay awr safar ah oo soo socota wuu sugay intay ka soo gaarayaan, markay u yimaadeen ayuu ninkii awrta madaxda u ahaa ku yiri wiilkii: "Ceelkani biyaa ku jira, haddii intaad gasho aad naga soo waraabiso waxaan ku siinaynaa xoolaheena kala barkood, Ninka madaxda safarayda u ahna iyo safarayduba way garanayeen in ceelka cirfiid ku jiro, oo uu dadka laayo, laakiin wiilku cirfiidka waxba kama uusan ganeyn markiina ninkii hadalkiisii ayuu oggolaaday, wuxuuna galay ceelkii. Markuu gaaray biyihii ceelka ayaa waxaa uu ku arkay cirfiid dhex fadhiya, cirfiidkuna wuxuu ahaa mid aad u foolxun, waxaana la joogtay naagtiisa oo aheyd gabar yar oo qurux badan. Islamarkiiba cirfiidkii wuxuu ku soo booday wiilkii si uu u dilo, wuxuuna ku bilaabay inuu garaaco isagoo leh "ma anigaa qurux badan mise naagtayda" wiilkii markiiba wuxuu xusuustay dar-daarankii aabihii mana ayan illowsiinin garaaciddii, mar kasta oo ul lagu dhufto oo lagu yiraahdo 'keenee qurxoon' wuxuu yiraahdaa "naagtaada ayaa kaa qurxoon", ugu dambeystii cirfiidkii wuxuu ka joojiyey gaaacistii wiilka wuuna ku farxay hadalkiisa runta ah, wuxuuna ku yiri "darso biyaha waan ku saamaxay oo ku dili maayee" waayo waxaad tahay wiil runlow ah, haddii aad beenaale noqon laheyd waan ku dili lahaa sidii kuwii kaa horeeyey.

Wiilkii wuu soo baxay wuxuuna u yimid safaraydii, wuxuuna siiyey biyihii uu wadaanta ku soo daray, Markay cabbeen bihihii ayey ballantii uga baxeen oo waxba mayan siinin, Cirfiidkii baase arrintaa ogaaday, wuuna ka daba tagay nimankii intuu handaday ayuu xaqiisii uga soo qaaday islamakaana ku wareejiyey wiilkii kuna sagootay dhankii uu reerkiisu jiray isagoo ku leh anigu waan ku jeclahay wiilyahow, maxaa yeelay waxaad tahay nin hadalkiisa run ku sheega.

Qeytbtii 17-aad halkaan ka Aqriso

Lasoco Qeybta Xigta todobaadka Danbe ama Axada Danbe

Fiirio Gaar ah:

Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:
00 2522-4150 622

Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ® Free counter and web stats