Tan
iyo markii ay magaalada muqdisho ay dagaalada ka qarxeen horaantii
sanadkii tagay waxaa jiray somali fara badan oo ku soo qulqulayay
gudaha dalka liibiya kuwaas oo nafsadooda kala soo cararay goobaha
dagaaladu ay halakeeyeen ee koonfurta soomaliya,
Hadaba dalka libiya waxaa ka jira jaaliyad soomaliyeed taasi
oo wax weyn ka qabata baahida dadka soomaliyeed ee sida xad
dhaafka ah ugu soo qulqulaya dalka liibiya. laakiin suaasha
is weydiinta mudani waxay tahay maxay qabataa jaalida soomalida
ee dalka liibiya.
jawaabta suaashaasi waxaan dhowaan wareysi kala yeelanay guddoomiyaha
jaaliyada soomaliada ee dalka liibiya
Md:-Maxamed cali cabdi asagoo arrimahaasi sharaxaad ka bixinayana
waxa uu yiri,
Jaaliyada soomaaliyeed ee dalka liibiya waxay gacan weyn ka
geysatay sidii ay xabsiyada uga soo saari laheyd dadka soomaalida
ee ku xiran xabsiyo kala duwan ee dalkaasi liibiya iyoadoo arrintaasi
gacan kaga helaysa dowlada liibiya.
waxa kale oo ay jaaliyada soomalida ay ku howlan tahay sidii
ay cafis ugu weydiin lahayd dowlada liibiya maxaabiista soomaliyeed
ee ku jira xabsiyadeeda.taasina waxaa daliil u ah sida uu sheegay
guddoomiyuhu in ay dhowaan ay soo sii daayeen dad soomaaliyeed
oo ayagoo bilaa sharci ah la soo qabtay.
dhinaca kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in jaaliyadu ay shaqo
u abuurto dhalinyarada soomaliyeed ee ka soo cararay dagaalada
halakeeyay dalka soomaliya guud ahaanba,isagoo hadalkiisa sii
watana waxa uu sheegay in jaaliyada soomalidu ay sameyso sharciyo
yaryar oo dadka soomalidu ay ku tix galiyaan heyada amaanka
ee dalka liibiya.
intaa kadib guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay dhinacyada isku
haysta siyaasada soomaliya in ay u turaan shacabka dhibaatada
ku soo jiray mudada 18 sano ah waxa uuna ugu baaqay shacabka
soomaliyeed in ay taageeraan dib u heshiisiinta dadaalada nabadeed
iyo wax walba oo shacabka u horseedi kara daganaan iyo nabad
waarta.
gabagabadii hadalkiisa waxa uu guddoomiyaha uu mahadnaq u soo
jeediyay hogaamiyaha dalka liibiya iyo shacabkiisa kuwaas oo
u muujiyay dadka soomaliyeed walaaltinimo taasi oo suura galisay
in dadka soomaliyeed ay sharci la'aan dalkooda ku joogaan.