SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/08/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dadkii lagu dilay Bariire oo ka socda Shabellaha Hoose

 

Banaanbax looga soo horjeedo Dadkii Shacabka ahaa ee Shalay lagu dilay Duleedka Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Maanta ka dhacay Degaanka Ceelasha-biya iyo Degmada Afgooye oo ka wada tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Boqolaal Ruux oo isugu jira Carruur iyo Haween ayaa isugu soo baxay Wadooyinka waa-weyne ee Degmada Afgooye iyo Degaanka Ceelasha-biyaha,kuwaas oo dalbanaya in Sharciga la soo taago Ciidamadii ka dambeeyay Dilka Dadka Shacabka ah.

Banaanbaxa ayaa imaanaya Xilli Shalay Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya oo Garab ka helaya kuwa Dowladda Mareykanka ay illaa 10 Qof oo Shacab ah ku dileen Beer ku taalla Duleedka Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baareyso Howlgalka lagu dilay Dadka Shacabka ah ee ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®