SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/08/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Mareykanka oo sheegay in Ciidamadoodu ay qeyb ka ahaayeen Weerarkii Bariire

 

Military-ga Mareeykanka ayaa Xaqiijiyay in ay Taagerayeen Ciidamo Soomaali ah oo Howlagal Argagixiso la Diriri ah ka Fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose Halkas oo lagu dilay Dad rayid ah oo Sadex ka mid ah ay Caruur yihiin, Ciidamada Mareykanku ayaa sheegeen in ay baarayaan eedeeymaha ku aadan in Ciidamadoodu ay Qeeyb ka ahaayeen Rayid ka la xasuuqay.

Geeridaan Soo korortaya ayaa Su’aal galisay Howlagaladda ciidamadda Mareeykanku ay Soomaaliya ka Fuliyan oo horay u sababay Dimashadda Dad badan oo Rayid ah, Qasaaraha ka dhalanaya Howgaladda Ciidamadda Mareeykanka waxaa ay soo kordheen ka dib markii Madaxweeynaha Mareeykanku uu Meelmariyay in la baariyo Howlagaladda ka dhan ka ah Al-shabaab ee Soomaaliya iyadoo Hoos loo dhigayo Xeerka ilaalinaya Xuquuqda Dad ka Rayid ka ah ee ku nool Goobaha laga Fulinayo Howlagaladda Argagixiso la dirirka Mareeykanku ugu Magac daray.

“Waan ka Warqabnaa Waxyeeladda Dad ka Rayid ah kusoo gaartay Duleedka Bariirre, Edeeyn kasta oo ku aadan Waxyeladda shacab ka waxaan u qaadaneeynaa mid dhab ah, sida caadiga ahna waxaan qiimeeyn kusameeyneynaa Xaaladda si loo ogado Xaqiiqada jirta” ayaa lagu yiri war uu soo saaray militariga Mareeykanku.

Todobaad ka hor ayey ahayd markii howlagal Ciidamadda Mareeykanku ay kasameeyeen Gobolka Jubadda Dhexe ay ku dileen Todobo Ruux oo shaacab ah, oo waqtigii ay duqeentu dheceeysay uu gurigooda ku sugnaa Sargaal ka Tirsan Al-shabaab oo ay Xidid ahaayeen.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®