SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/08/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xildhibaano War Kasoo Saaraysa Cida Yeelanaysa Mas’uuliyadda Weerarkii Bariire

 

Xildhibaanada Ahmed Macalin Fiqi oo kamid ah Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay weerarkii shalay lagu laayay dad rayid ah oo beeralay ah & caruurtooda, kuwaasoo ay ku jireen caruur yaryar ah oo da’dooda lagu sheegay 8, 9 iyo 10 sano jir iyo dad waayeel ah oo 70-sano ka weyn, kuwaasi oo xalay meydadkooda ay ku baryeen isbitaalka Madiina ee Magaaladdda Muqdisho.


Fiqi ayaa wax lagu xumaado sidoo kale ku tilmaamay sida wasiiradda ka tirsan Xukuumadda Soomaliya ay ugu hadleen weerarka ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose,iyagoo sheegay n weerarkaas lagu dilay 8- ka tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

“Waxaa wax laga xumaado ah in wasiiro xukuumadda ka tirsan ay si aan mas’uuliyadi ku jirin uga hadleen dhacdadaan ayagoo isku dayaya in ay marin habaabiyaan umadda, kuwaasoo ku hor ceeboobay shacabka Soomaaliyeed ka dib markii ay dadkaas rayidka ah ku sheegeen Alshabaab la laayey, ayagoo sidii dad aan miyir qabin waraaqo is-burinaya iyo hadalo kala jeeda soo saaray muddo kooban gudaheed, taasoo shakki galinaysa mas’uuliyadda ay wasiiraddaasi sheeganayaan iyo kalsoonida lagu qabi karo hadaladooda wixii hadda ka danbeeya, waqti ay dawladda maraykanku jiritaanka arintaas war ka soo saartay, joornaalada ugu waaweyn maraykankana ay qirteen in dad rayid ah la laayey,wa jirto hawlgallo kala duwan oo maanta ka dhacay Bariire, waxaa dhacay oo kaliya hal hawlgal oo ah midka dadka rayidka lagu laayey AUN, warka wasiir Yariisow uu ku nasaqay kiisii horena waa been-abuur aan waxba ka jirin”, ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Sidoo kale Xildhibaan Fiqi oo ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya ayaa sheegay in xalay la iskugu yimaaday kulan uuna kasoo qeyb galay Raisulwsaaraha Xukumadda Soomaliya Xasan kaasi oo loogu go’aamiyay in la aaso dadkii lagu laayay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose,islamarkaana Xukuumadda Soomaliya ay war kasoo saarto cida yeelanaysa mas’uuliyadda weerarkaas.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®