SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/08/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne ku xigeenkii khaatumo oo ka taagan Buuhoodle

 

Wararka ka imaanaya magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer oo xarun u ah maamulka Khaatuma ayaa waxa ay sheegayaan masuuliyiinta maamulka Khaatuma ugu sareysa in khilaaf uu soo kala dhexgalay.

Magaalada Buuhoodle isla shalay waxaa ka dhacay laba kulan oo Baarlamaan oo iska soo horjeeda, kuwaas oo dhinac kasta uu sheegay in masuuliyiinta Khaatuma uu xilka ka qaaday.

Kulankii ugu horeeyay ee ka dhacay magaalada Buuhoodle waxaa Baarlamaanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamuud Sheekh Cumar ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka Khaautumo Cabdulle Maxamuud Haybe (Cagalule) oo ay sheegeen in uu wado falal uu ku dhabar jabinayo masuuliyiinta maamulka Khaatumo iyo in uu is hor istaag uu ku sameeyo heshiisyada ay wada saxiixdeen maamulada Khaatuma iyo Somaliland.


Isla shalay waxaa daqiiqado kadib kulan yeeshay garab kale oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Khaatumo oo iyana sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Khaatuma Cali Khaliif Galeyr iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana arrintaasi ay dhalisay xiisad siyaasadeed.

Magaalada Buuhoodle hada waxaa ku wada sugan masuuliyiinta maamulka Khaatuma sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Khaatuma oo isku dhinac ah iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

Labada dhinac ayaa wata Ciidamo aad u hubeysan, iyada oo Madaxweyne ku xigeenka Ciidamadiisa ay wataan xubno Wasiiro ah oo ka biyo diidsan heshiiska masuuliyiinta ugu sareysa Khaatuma ay la galeen maamulka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka la sheegay in xilka laga qaaday Cabdulle Maxamuud Haybe (Cagalule) ayaa sheegay xiisada ay ka taagantahey Buuhoodle, hase ahaatee lagu kala baxayo sharciga.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®