SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/08/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dalxa oo ka digay Amaro uu ku soo rogey Sacuudigu Somalida

 

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka digay Amar kasoo baxay dowladda Sacuudiga in uu sameyn ku yeesho dadka Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.

Dalxa ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay soo saartay Amar ah in lacag laga rabo saddexdii biloodba dadka Ajnabiga ee dalkaasi kunool.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi aysan bixinkarin lacagtaasi ,islamarkaana qoysas badan oo danta yar ah ay kunool yihiin dalka Sacuudiga.

Dalxa ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Jaamacadda Carabta , islamarkaana Sacuudiga laga rabo in xukunkaasi uu ku rido dadka ka yimid dalalka aan ka mid aheyn Jaamacadda Carabta.

Mudane Cumar Dalxa ayaa ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jaamacadda Carabta , waxaana uu sheegay in ay ka shaqeyn doonaan dadka Soomaaliyeed ee kunool dalalka Jaamacadda Carabta Xallinta dhibaatooyinka soo wajaha.

Dowladda Sacuudiga ayaa dhawaan ku dhawaaqday in lacag laga rabo dadka Ajnabiga ee kunool dalkeed.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®