Qeybtii 13-aad
DAACADI MA HUNGOWDO.
Beri baa laba nin oo gedisley ah oo subagga ka ganacsada
ayaa wax isku yeeshay. Mid ka mid ah ayaa maalintii dambe
saaxiibkiisii kale ku yiri hebelow xoogaagi lacagta ahaa ee
xagaaga iga soo jiray I sii, hase yeeshee ninkii wuu ismoogaysiiyey,
ugu dambeyntiina wuuba inkiray inuu wax lacag ah uu ku lahaa
oo ay xagiisa soo jirtay. Labadii nin khilaaf baa soo kala
dhex galay, wayna isku buuqeen, hase yeeshee waxay isula tageen
qo garsoore ah oo kala gura, ninkii markuu labadii nin xaaladooda
waraystay mid walba sheekadiisii run buu u ekaysiiyey, wuxuuna
garan waayey garsoorihii si uu arrintaa u xukumo, hase yeeshee
nin caqli badnaa oo magaalada dhinac kaga noolaa ayaa arrintii
kala tashaday nimankiina waqti kale ayuu balansaday, ninkii
caqliga badnaa wuxuu yiri "aniga ayaa arrinta xalinaya
laakiin muddo todobaad ah I sii.
Labadii nin ayuu mid kasta wuxuu u geeyey teneg subag ah
oo min 30 kiilo ah, oo mid kasta lagu dhex riday 30 shilin
oo caddaan ah, nin walbana wuxuu ku yiri "Saaxiib subagan
ii iibi, lacata aad ku gadana ii keen anaa ku siinaya khidmadaadee"
ninkii ninka lacagta ku sheeganayey tanagii loo dhiibay markuu
soddonkii kiilo min shil ku gaday ayuu misana wuxuu tanagii
ka dhex helay 30 shilin oo caddaan ah, 60-kii shilin ayuu
ninkii u wada keenay, wuxuuna ku yiri; "soddonkan shilin
Subigii ayaan ku gaday, soddonkan kalena tanagay kaaga dhex
luntay" intuu ka qaatay oo adeegiisiina siiyey ayuu wuxuu
hoosta ka ogaaday in ninkani yahay daacad.
Ninkii kale ayaa u yimid wuxuuna u keenay 25 shilin oo wuxuu
ku yiri "subagii wuxuu noqday 25-kaa shilin, shaqadaydiina
adiga ayaa lagaa rabaa."
Ninkii caaqilka ahaa islamarkiiba wuxuu u tagay ninkii qaadiga
ahaa wuxuuna u sheegay in labada nin midka ay wax ka maqan
yihiin uu run sheegayo kan kalena uu been sheegayo, sidii
ayaana lagu xukumay.
CUMAR BEENAALE
Beri baa wiil ari jir ah wuxuu caado ka dhigtay maalintii
markuu ariga jiro inuu ku qayliyo intuu geed fuulo, war Isoo
gaaray….. arigii yey baa dhamaysayey…. Dadku markay
arrintaa maqlaan intay warmahooda iyo ulahooda suu qaataan
ayey u soo gurmadaan, hase yeeshee markay meeshii yimaadaan
arrintaa way ku hungoobaan oo been bay noqotaa, iyagoo ka
xun lugooyada iyo beenta loo sheegay ayey dib guryahooda ugu
soo noqdaan, hase yeeshee dhowr mar ayuu cumar beenaale dadkii
sidaa ku soo lugooyey isagana caado ayuuba ka dhigtay inuu
maalin walba sidaa sameeyo, marka ay dadku ku yiraahdaan war
aaway yeyda iyo bahalada aad sheegaysana wuxuu yiraahdaa waa
beentay oo waan idinku ciyaarayey, hase yeeshee maalintii
dambe isagoo cumar beenaale arigii la jira ayaa yeydii soo
weerartay, qeylo ayuu afka furtay hase yeeshee dadkii wax
dheg jalaq u siiyey ma jirin,or iyo dhaar ayuu isku daray
haseyeeshee afka inta loomaroojiyey ayaa lagu yiri ceebtiisa
ma ahee waa cadfadiisa, markaasaa qofkastana iska ag maray,
cumar markuu ogaaday in dadkii aanay waxbo ka rumeysaneynin
arigiina uu ogaa sida ay yeeydii u rafaadineysay ayey la noqon
wayday, markaasuu intuu aad u qayliyey misana dhulka isku
galgaliyey, markaasay dadkii ku yiraahdeen waryaa maxaad caradda
ugu rafaneysaa , ma beentaadii ayaad weji cusub u yeeshay,
markaasuu cumar oo rabay in mar kelya lala hadlo yiri war
weligay anigoo been sheegayo waad arki jirteena anigoo dhulka
isku galgalinayo ma aragteen, dadkii markaas ayey gareysteen
oo intay warma hoodii qaateen arigii yeydii ka celiyeen, maalintaas
ka dibna cumar been dambe ma sheegin.
Qeytbtii
12-aad halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622