HAWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
30/08/2015
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

HAWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??

Soomaalida waxay caan ku yihiin hawl, noocey doontaba ha ahaatee, waana dad hawl abuurad badan oo aan jecleyn inay meel iska fadhiyaan waana mida maanta aan u soo qaatey maahmaahda kor ku xusan ee aan Cinwaanka ka dhigtey HAWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA , Hawluhu waxay u kala baxaan mid Qoys iyo mid Qaran waxaana la rumaysan yahay in mida Qoyska ninka ka baxa illaahayna uu ku garab galo uu ka baxsado mida Qaranka.

Dad mideysan laguma degdego waa halkii Oday Soomaaliyeed uu ka lahaa markuu Wiilashiisa la dardaarmayey oo ku yiri “Wiilashaydiiyow ii lkaalaya oo mid weliba ha iila yimaado hal ul markii ay u keensadeena ku yiri Wiil kasta miduu hayo ha jebiyo oo durbadiiba kala jabiyeen ka dibna isku xiray Ulihii Shanta ahaa ee uwada dhiibay oo jabin kari waayeen una sheegay in hadii ay mid mid noqteen in sida ulahaas la idiin jabinayo laakiin hadaad Midowdaan aan la idin loodin kareyn “

Waxaa uga gol leeyahay waxaas oo Hoga tusaaleyn ah cinwaanka kore ee ah HAWL NINKEEDA HADAAFOW YAHAY YAA HOR MARIN KARIN, hadaan ku hor maro mida Qoyska waxay ka kooban yahay labo Waalid iyo caruurtooda una kala baxaan caruurtaas Wiilal iyo Gabdho kuwaas oo kala caawima Aabe iyo Hooyo qolo welibana ay hawsha guriga iska adkeeyaan waa hagaag dadkii ka soo baxa hawshaasi ayaa u gudba hawl Qaran balse hada maxay ku sugun yihiin qaybahii kala duwanaa ee Bulshada Soomaalida hadey ahaan lahaayeen Qoysaska, Qabiilka, Aqoonyahanada, Siyaasiinta Dhalinyarada, Haweenka iyo Wixii la halmaala.

Dhamaaan Shacabka Soomaalidu Waa dad aad u maleyneysid in aaney dalkan laheyn oo ay uga shaqeynayaan duul kale, markaad u fiirsato sida ay uga Maahsan yihiin hawsha Qaran ee dul saaran oo aysan ku baraarugsaneyn Jibaalka u Qodan iyo samata bixinta ay ka sugayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Tusaale waxaad arkeysaa Dhalinyarada intooda badan oo ku Mashquulsan Cayaaraha iyo ka doodistooda kuwaas oo ay Waqti baan ku bixiyaan Fiirsashadooda Waqtiga yare ee u harayna Dhalinta maanta waxay ku qaataan Hurdo, waxaa iga Su’aal ah qofka ama Shaqsiyaadka sidaa u dhaqmaya goormay wax qabsanayaan?
Dhanka kale Odaayaashii waxa la haray oo Asaagood ka reebay ka hadlida iyo Adeegsiga Qabiilka ama ka doodida Siyaasada Soomaaliya iyo tan Caalamka oo aaney wax shaqo ah ku lahayn, Dumarkiina waxaa hawshii Qaran ay ku bedeleen fiirsiga filimo taxane ah (Musulsal) oo lagu turjumay Afkii Hooyo, waxaana intaas u sii dheer Xanta ama ka sheekeynta Dumar kale oo Asaagood ah.

Hadaba Raggii oo laga rabay inay wax ka qabtaan Xaalada murugsan ee Dalka oo u baahan wax ka qabasho dhab ah iyo Dumarkii dhiira gelinta iyo guubaabada laga rabay haday ku Mashquulaan waxaan waxba ka soo galeyn sow ma aha arrintu dalkaan CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA.

Maahmaahda Maanta ee ah HAWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HOR MARI KARA ? waxaan soo jeedinayaa Gabagabadii in aan Baraarugno oo aan fadhiga ka kacno si aan u Maareyno nolosha Aduun iyo mida Aakhiro oo aan u tiigsano dadka nala midk ah eek u nool Caalamka intiisa Hormarsan

W/D Cabdulaahi Nuur Cali
E-Mail cabdallanuur@hotmail.com...
Tel 00252615595939

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®