SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
30/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Uqabilsanaha QM ee arrimaha qaxootiga Soomaliya oo sheegay in aysan Suurta Gal aheyn In Dad Shacab Ah Xero Qaxooti Lagu Haayo 30-Sano

 


Uqabilsanaha QM ee arrimaha qaxootiga Soomaliya Maxamed Cabadi Afey ayaa walaac ka muujiyey xaalada ay kunoolyihiin qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee caalamka.

Afey ayaa sheegay inuu socdaal ku tagay dalalka Yemen, Ehopia, Jabuuti, Kenya Iyo Uganda oo ay xero ku yaala wadamadaas ku jiraan qaxooti Soomaaliyeed oo uu xusay inay ku noolyiin daruufo adag oo dhinaca nolosha, islamarkaana tilmaamay in xero dad shacab ah suurtagal eysan ahayn In laga hayo mudo 30-sano iyo ka badan, isagoo carabka ku dhaftay inay adagtahay ku noolaansha xero qaxooti.

Maxamed Cabdi Afey Uqabilsanaha QM ee arrimaha qaxootiga Soomaliya ayaa si aad ah kaga hadlay xaalada qaxootiga soomaalida ee ku nool dalka Yamen oo uu sheegay in dhibaatooyin adag ay ku heystaan dalkaas, una sii dheertahay dagaalka ka socda Yamen, oo ay waxyeelo ka soo gaarto soomaalida, gaar ahaan kuwa qaxootiga, waxaana ka deyriyey nolosha dadka ku jira xeryaha wadankaas.

Maxamed Cabdi Afey oo horey IGAD u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya ayaa loo magacaabay mar sii horeysay uqaabilsanaha QM ee arrimaha qaxootiga Soomaaliya, kadib markii kenya ay sheegtay inay dib u celineyso qaxootiga ku sugan dalkeeda.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®