SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
30/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Milatariga oo Dhibaatooyin Ku Qaba Macalimiinta Ajaanibta ah ee Tabarada Siiya

 

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa sheegay in dhibaato lagu qabo xilligan Macalimiinta ajaanibta ah iyo hay’adaha Tabarada Siiya Ciidanka Xoogga Dalka si ay ula wareegaan amaanka Guud ahaan dalka Soomaliya.


Cor.Maxamed Xaashi Guuleed oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Dhinaca Tababarka Qaabilsan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhiibaatoyin ay Ciidamada ku qabaan Tabaradda ay bixiyaan Saraakiisha ajaanibta ah.

Waxa uu sheegay Cor.Maxamed Xaashi Guuleed oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Dhinaca Tababarka Qaabilsan in Ciidamada la siiyo cashiro aysan xamilo Karin qaadashadooda.

Cor.Maxamed Xaashi Guuleed oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in Taliska Xoogga dalka Soomaliyeed ay haatan shaqo galiyeen saraakiil Soomali ah kuwaasi oo Tababaro siinaya Ciidamada kala duwan ee Xoogga dalka Soomaliya, halka markii hore Tababaro loogu qaadi jirey dalka dibadiisa.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®