SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeeyay Degmada Ceel-waaq ee G/Gado

 

Wararka ka imaanaya Degmada Ceel-waaq ee G/Gado ayaa ku soo waramaya in Diyaaradaha dagaalka Dowladda Kenya ay duqeeyeen Deegaano hoos-yimaada Ceel-waaq ee Gobalkaasi Gado.

Duqeynta ayaa dhacday Xalay Saq-dii Dhexe waxaana la sheegay in ay Geysatay qasaaro dhimasho iyo dhaawac, Goobaha la duqeeyay ayaa kala ahaa Tuulooyinka Garilay iyo Daarul-salaam oo hoostaga Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gado.

Ilaa hadda ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidanka Dowladda Kenya ee Gobalka Gado, Sidoo kale ma jirto war kasoo baxay Al-shabaab iyo Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan Duqeyntaasi.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®