SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowlada Kenya oo Boolis geyneysa Jaamacadaha Dalkaasi

 

Sida ay qoreen warbaahinada gudaha ee dalka Kenya waxaa Boolis dheeraad ah la geynayaa xarumaha Jaamacadaha dalkaasi, kadib markii ay soo baxday xog ku saabsan in Shabaab ay dhalinyarada ka qortaan Jaamacadaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya ayaa sheegtay in ay heshay halka ugu badan ee Al-shabaab iyo Daacish ay Dhalinyarada ka qortaan in ay tahay Jaamacadaha dalka Kenya.

Ku xigeenka xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha dalka Kenya Thomas Sakah ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay Boolis dheeraad ah geyneyso Jaamacadaha, si looga hortago falalka Shabaab iyo Daacish ay ku diiwaangeliyaan Dhalinyarada.


Sidoo kale waxa uu sheegay Dhalinyarada laga qoro xarumaha Jaamacadaha gudaha dalka Kenya in ay ka dagaalamaan wadamada Kenya, Soomaaliya iyo Syria.

Thomas Sakah Ku xigeenka xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha dalka Kenya ayaa ugu dambeyn sheegay talaabadan cusub ee ay qaadeyso Kenya in ay wax badan ka bedeli doonto Amniga, sidoo kalena looga hortagayo Dhalinyaro badan oo la marin habaabin lahaa.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®