SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Maanta Kulan gaar ah la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha SNA iyo AMISOM ayaa looga hadlay sidii Ciidamada ay u qaadi lahaayeen Howlgal Deg Deg ah oo lagu furayo Wadooyinka Xiran islamarkaana lagu qaadayo Isbaarooyinka Sharci darada ah ee yaalla Dalka.

War Qoraal ah oo Ra’iisul Wasaare Kheyrre uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay isku raaceen in la bilaabo Howlgalka lagu furayo Wadooyinka si Shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo Gurmad Deg Deg ah meel kasta oo ay Dalka ka joogaan.

“Waxaan isla Meel dhignay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM in ay qasab tahay in la qaado Isbaarooyinka Sharci darada ah si Shacabka loogu gurmado”ayaa lagu yiri Warka lagu qoray Twitter-ka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®