SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Daacish Iyo Al-qaacida oo La sheegay Inay Midoobi Rabaan

 

Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Iraq, Ayaad Calaawi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey mid ka mid ah Warbaahinta dalkaasi, wuxuuna xusay inay Daacish wada-xaajood la bilaabeen Al-qaacida, oo ay suurto-gal tahay inay yeeshaan Isbahaysi.

Waxa uu tilmaamay inuu warkaasi ka helay xiriiro lala sameeyey dad aqoon u leh Arrimaha Iraq.

“Wada-xaajoodka haatan ayuu bilowday, waxaana jira La-tashiyo iyo wada-xaajood u dhexeeya Wakiilo matala Hoggaamiyaha Al-qaadcida, Ayman Al-zawaahiri iyo dhigiisa Daacish, Abu Bakar Al-baqdaadi.

Daacish waxay ka soo faruurmeen Al-qaacida sannadkii 2014-kii, iyadoo Ayman Al-zawaahiri si toos ah u naqdiyey Falalka Daacish ee ay dadka ku dilaan, sida qoor-goynta, dadka oo biyaha lagu hafiyo ilaa ay ka dhintaan iyo dadka lagu dhex gubo Xayndaab Shabaq ah.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Madaxweynha Iraq, Ayaad Calaawi waxa uu carrabka ku dhuftay inuusan ogeyn qaabka ay Daacish iyo Al-qaacida si wadjir ah ugu wada shaqeyn karaan.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®