SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maraykanka oo Beeniyey Inay Weerareen Fariisin Ay Al-shabaab Ku Leeyihiin Gobalka Gedo.

 

War-saxaafadeed ay soo saareen Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (US Africa Command) ee AFRICOM aya lagu beeniyey inay iyagu ka dambeeyeen Duqeyntii bishan 14-dii ka dhcday qeybo k mid ah Gobalka Gedo, taasi oo ay Warbaahinta Caalamka shaaciyeen in lala beegsady Fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde.


AFRICOM waxay tilmaameen inaysan ku lug lahayn wax duqeymo caynkaasi ah o oka dhacay Deegaanadaasi, isla markaana Hawlgalkii Duqeynta ee ay Maraykanka ka fuliyeen Somalia ahaa weerar dhacay bishii Janaayo ee sannadkan 2017-ka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump waxa uu bishii hore saxiixay qorshe lagu kordhiyey Hawlgalladda Duqeynta Cirka iyo Madaafiicda ee laga fuliyo gudaha Somalia, gaar ahaan Deegaanadda ay ku xooggan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®