SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Mareykanka ” Ciidamada Soomaalida waxaan ku sameyn doonaa tababar iyo qalabeyn”

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay xoojinayso tababarada la siinaayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan Weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan tababarayaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka soo saarista Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo si heer sare ah loo tababaray.

Sarkaalkaasi oo wareysi siiyay TV-ga CNN ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada Soomaalida laysku dari doono tababaro iyo sidoo kale qalabeyn.


“Taliska Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika waxaa ka go’an soo saarista iyo sidoo kale tababarida Ciidamo tayo leh oo ka hortagga Weerarada Al-Shabaab, Ciidamada Soomaalida waxaa si gaar ah uga taageeri doonaa qalabeynta” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

War Saxaafadeed dhawaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la helo xeelad looga hortagi karo Weerarada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa awood dheeraad ah siiyay Ciidamada ku sugan Qaaradda Afrika si ay amar la’aan u beegsadaan goobaha ay joogaan Al-Shabaab.

Sidoo kale dhawaan Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Ciidamo Mareykan ah oo kuwaa soo tababari doonaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®