SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

War Deg Deg ah:-M/weynaha K/Cagta Qaaradda Afrika oo loo diiday inuu galo Stadium Muqdisho

 

Ciidamada AMISOM ayaa Maanta Is-hor istag ku sameeyay Madaxweynaha K/Cagta Qaaradda Afrika Mr Axmed Axmed,Wasiirka Amniga, Wasiirka Difaaca,Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo doonayay in ay Booqdaan Garoonka K/Cagta Stadium Muqdisho oo ay degen yihiin Ciidamada AMISOM.

Wafdiga uu kamidka ahaa Madaxweynaha Xiriirka K/Cagta Qaaradda Afrika ayaa dib uga soo laabtay garoonka Ciyaaraha Ee Stadium Muqdisho,waxaana la sheegay in markii dambe uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu arrinta soo fara geliyay islamarkaana uu amray in Wafdiga ay booqdaan Garoonka Ciyaaraha Stadium Muqdisho.

Ujeedka ka dambeeya ee Ciidamada AMISOM ay u diideen in Kormeer lagu sameeyo Stadium Muqisho ayaan la ogeyn,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay AMISOM.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®