SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

AMISOM oo Raaligalin Ka Bixisay Fal Lagula Kacay Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Soomaliya

 

Taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa raali galin buuxda ka bixiyay askari ka Tirsan Ciidamadooda oo bishaan Gudaheeda is hor istaag ku sameeyay wasiirka Gargaarka iyo musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Marwo Maryam Qaasim Axmed.


Askari ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa ishor istaag ku sameeyay wasiirka Gargaarka iyo musiibooyinka Xukuumadda Soomaliya Marwo Maryam Qaasim Axmed oo doonaysay in ay gudaha u gasho Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, oo xiligaas ay shir kula laheyd Madax Caalami ah balse waxaa u diiday gudaha askariga ka Tirsan Ciidamada AMISOM.

Qoraalka uu Taliska AMISOM oo Soomaliya uu soo dhigay Barta Twitterka ayaa lagu sheegay in arintaas ay tahay mid aad loogu xumaado islamarkaana raali galin buuxda laga dalbanayo wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukuumadda Soomaliya Marwo Maryam Qaasim Axmed, oo dhawaan shaacisay in ay tahay wax aan la aqbali Karin falka lagula kacay.

“Ciidamadeena ku sugan Iridka Hore ee Xarunta Xalane ma fileynin in wasiir uu imaanayo halkaas,waxay mar walba isku dayayeen in ay si wanaagsan u adkeeyeen amniga Xarunta,sidaas darteed ayay ku dhacday arinta”, ayuu lagu yiri warka kasoo baxay Taliska AMISOM ee Soomaliya.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®