SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gudoomiye Taabith Oo Loogu Baaqay In Uu Ka Fiirsado in uu isbadal Ku Sameeyo Amniga Muqdisho

Gudoomiyahii hore ee Degmadda Hilwaa Cumar Cabdulle Jacfaan oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in isbadal aanan lagu sameenin Gudoomiyayaayasha Gobolka Banaadir bacdamaa gobolka Banaadir loo soo magacaabay Gudoomiye cusub.

“Gudoomiyayaasha dhalinyarada ah ee Degmooyinka Gobolka Banaadir maamula aniga waxaan qabaa in aanan la badalin sababtoo wax waa dad howl Kar ah shaqadoodana kasoo bixi kara laakiin waxay u baahanyahiin in wada shaqeen dhab ah ay ka helaan laamaha amniga oo ay ugu weynatahay Wasaaradda amniga ee Xukuumadda Soomaaliya” ayuu yiri Gudoomiye Jacfaan.

Gudoomiyahii hor ee Degmadda Hilwaa ayaa sidoo kale ka dalbaday Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir mudane Taabith Cabdi in uu u cadeeyo bulshadada Gobolka Banaadir ku dhaqan waxa ay tahay talaabada ugu horeyso ee uu qaadi doono waxuuna intaas ku daray in shacabka ay u bisilyahiin ay helaan amni buuxa waxuuna usoo jeediyay Gudoomiye Taabith in waxa ugu horeeyo ee uu wax ka qaban doono in uu ka dhigo amniga si Shacabka Gobolka ay u aaminaan Dowladnimadda.

Hadalka Gudoomiyahii hore ee Degmada Hilwaa Mudane Jacfaan ayaa kusoo beegmayo iyadoo Gobolka Banaadir loo magacaabay Gudoomiye cusub horina looga bartay Gudoomiyayaasha loo maaacabo Gobolka Banaadir in ay durbadiiba isbadal ay ku sameeyaan Gudoomiyayaasha 17’ka degmo ee Gobolka Banaadir.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®