SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
12/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wada-hadaladii Galmudug iyo Ahlusunna oo dib u dhacay

Warar laga helay kulankii Muqdisho ay ku yeelanlahaayeen Ahlusunna iyo Galmudug oo Maanta lagu waday in uu ka furmo Magaalada Muqdisho oo dib u dhacey.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Ahlusunna ayaa sheegay in Qorshahu uu ahaa in ay Wada-hadaladu Maanta oo Arbaco ah ay ka furmaan Magaalada Muqdisho,balse Dib u dhac uu ku yimid.

Sababta keentay Dib u dhaca ayaa lagu sheegay Dabaal-daga Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Maanta Muqdisho ka dhacday islamarkaana ay ka qeyb galeen Madaxda ugu sareysa Dalka iyo Wadooyinka oo Xiran.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Berri oo Khamiis ah ay Magaalada Muqdisho ka Furmi doonaan Wada-hadalada Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Wada-hadalka Galmudug iyo Ahlusunna oo Dowladda Federaalka ay garwadeen ka tahay ayaa la doonayaa in lagu dhameeyo Khilaafka Labada Maamul si 30 Bishaan Galmudug loogu dhiso Dowlad Goboleed loo dhan yahay.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®