SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
12/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Qaramada Midoobay oo Ka Digtay Halista Dhimashada Gaajada ee Laga Hortaggi Karo

 

Qaramada Midoobay ayaa ka digay halista sii kordhaysa ee “dhimashada baahsan ee gaajada” ee ka jirta goobaha colaaddaha iyo abaartu saameeysay ee Somalia, Yemen, Koonfurta Sudan iyo Nigeria.


Laanta qaxootiga u qaabilasan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in digniintan ay iftiiminayso abaaraha sidoo kale saameynaya dalal badan oo dariska ah iyo hoos dhaca gargaarka oo noqday dhibaatooyin aad u ba’an oo bani’aadamnimo oo aanan laga hortaggo karin gobolka oo ay suurto gal tahay inay ka daran tahay tii sanadkii 2011.

Jens Laerke oo ah afhayeen u hadlay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Xidhiidhinta Arrimaha Bini’aadanimo ee (OCHA) isaga oo ku sugan Geneva ayaa waxa uu yidhi “In ka badan 20 malyuun oo qof oo ku nool waqooyi-bari Nigeria, Koonfurta Sudan, Somalia iyo Yemen in ay la kulmeen abaar ama halis ka’weyn oo nolshooda ay ku waayi karaan.”

Sarlkaalkan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in “Gargaarka bini’aadanimada ee dunida loo baahan yahay uu gaaray heerar aan hore loo arag iyadoo codsiga caalamiga ah ee imika uu noqday $ 22.8 milyan oo dollar si loo daboolo baahiyaha bini’aadanimo ee ku dhawaad 100 malyuun oo qof oo ku sugan adduunka oo dhan”.

Waxa masuulkani uu intaa ku daray in ilaa imika qaar ka mid ah deeq-bixiyayaasho ay kaga qayb qaateen codsigan ilaa iyo $ 2.7 milyaar oo dollar.

Laerke ayaa sheegay si looga hortaggo masiibadan baini’aadanimo ee kulaalaysa dalalkan 4 ah,in hawlaha bini’aadamnimada ee Qaramada Midoobay si deg deg ah ugu baahan yihiin $ 4.4 milyaar oo dollar.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®