SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

War Deg Deg:-Xubno Ka Tirsan Ururka Asaadicuuna bil Xaq oo Xabsi La Dhigay

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Mamulka Somali-land ayaa ku waramaya in Ciidamada amaanka Maamulkas ay xabsiga dhigeen saddex ka mid ah xubnaha Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay Ururka Asaadicuuna bil xaq.


Taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamada boolisku xireen raggaan kadib markii la ogaaday inay amniga Somaliland khatar ku yihiin ururkaani,waxaana lagu soo qabtay saddexdaasi xubnood hawlgal ay boolisku sameeyeen oo qaatay in ka badan 8 saacadood.

Waxa uu sidoo kale sheegay Taliyaha booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan in raggaan ka Tirsan Asaadicuuna bil xaq, in dhawaan Maxkamadd lasoo taagi doono, islamarkaana lagu ridi doono waxa uu sharciga ka qabo dadka halista ku ah amniga Somali-land.

Dhawaan Ururka Asaadicuuna bil xaq ayaa loogu dhawaaqay Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland,Balse puntland ayaa sheegtay in dagaal lala galI doono ururka oo la sheegay in uu Qatar ku yahay diinta islaamka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®