SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamulka gobolka Mudug oo Digniin u diray Burcad Isbaarooyin Dhigtay Gobolkaasi


Gudoomiya ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Cabdi Xuseen Maxamad ayaa sheegay in gobolka Mudug ay kusoo bateen jidgooyoyin hor leh oo la soo dhigay gobolkaas.

Cabdi Xuseen ayaa xusay in Isbaaroyinkan horey looga qaaday qeybo badan o ka tirsan gobolka Mudug, balse haatan dib loo soo celiyay.

Waxa uu gudoomiye kuxigeenka gobolka Mudug carabka ku adkeeyay in ay ka war qabaan goobo hor leh oo lasoo dhigay Jidgooyoyinka sharcidarada ah, isla markaaana talaabo ay ka qaadi donaan.

Dhinaca kale gudoomiya kuxigenka gobolka Mudug ee dhinaca mamaulka Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay inaan la aqbali doonin in xeebaha magalada Hobyo lagu la soo dhuunto maraakiib iyo doonyo laga soo qafaashay badaha caalamka, arintaasina ay go’aano adag kasoo saareen.

Degaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxaa ka jira cabashooyin ku aadan in kooxo burcad ah ay soo dhoobeen isbaaroyin hor leh, iyadoo ay sii dheertahay in burcad badeed maraakiib soo afduubtay ay ku sugan yihiin xeebaha gobolkaasi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®