SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyay Deegaano ka tirsan gobolka Gedo


Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa ku waramaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka geysteen degaano ka tirsan gobolkaasi.

Sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen diyraada dagaal oo laga lee yahay Kenya ayaa duqeeyay degaanka Tam-tama oo qiyaastii 50km dhinca galabeed kaga beegan Magalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Lama oga qasaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymahaasi oo ay ka geysteen gobolka Gedo diyaadaraha dagaalka Kenya, hase ahaatee duqeynta ayaa imaaneysa xili deegaanadan ay saameyn ku yeelatay Abaaraha dalka ka jira.

Gudoomiya ku xigenka gobolka Gedo Cusmaan Nuux Xaaji oo u waramay Shabelle ayaa ka xaqiijiyay duqeyntaasi, waxana uu tilmaamay in duqeyntaasi lagu dilay rag ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Inta badan gobolka Gedo waxaa ka dhaca duqeymo dhinaca cirka ah oo ay geystaan diyaradaha Kenya, taasi oo qasaara naf iyo maalba leh ay ka sooo gaarto shacabka ku dhaqan gobolka Gedo.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®