SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Holland Oo Laga Soo Masaafuriyey 23 Burcad-Baddeed Soomaali Ah.

 

Wargeyska NL Times ee ka soo baxa dalkaasi ayaa qoray in bilihii ugu horreeyey ee sannadkan dalkaasi laga soo masaafuriyey 23 Burcad-baddeed Somali ah, kuwaasi oo soo dhamaystay Xabsigii lagu xukumay.

Hadal ka soo baxay Waaxda Dib-u-celinta dadka la masaafuriyo ee Wasaaradda Ammaanka iyo Garsoorka ee dalkaasi ayaa lagu xaqiijiyey in Burcad-baddeedaasi dib loogu soo celiyey dalkooda hooyo.

Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inuu Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Holland ka soo qabtay Badda Somalia sannadkii 2012-kii, kadib, markii ay Markabkaasi u maleeyeen Marakab Ganacssi si ay u afduubtaan.

Ciiddanka Badda ee dalkaasi waxay qeyb ka yihiin Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Dhinaca kale, Wargeyska NL Times ayaa qoray in dalkaasi si khasab ah looga soo masaafuriyey 2,200 Qaxooti Magnagelyo-doon ah, kuwasi oo ku guul-daraystay in loo oggolaado Deganaansho Qaxootinimo.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®