SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guddoomiye Cawad “Soomaaliya weli ma gaarin Hanaanka Canshuur qaadista”

 


Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad oo maanta marti ku ahaa Barnaamij ka baxayay TV-ga Dowladda ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira Howlaha Baarlamaanka.

Mar uu soo hadal qaaday arrimaha Canshuuraha ayaa waxa uu sheegay Guddoomiye Cawad Soomaaliya in aysan gaarin Hanaanka Canshuur qaadista, isaga oo sheegay in hada la qaado Adeeg oo keliya oo aan la qaadin Canshuur.

Waxa uu sheegay Canshuur qaadista waajibka ah in weli dalka aysan uga bilaaban, lagana doonayo xukuumadan cusub in ay bilowdo, wuxuuna sheegay in xukuumadan ay kula dabagali doonaan Howlaha Canshuur qaadista.


Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sidoo kale sheegay shacabka Soomaaliyeed hadii aysan bixin Canshuurta in Dowladda ay noqoneyso mid tabar yar.

Shacabka reer Muqdisho ayaa maalmahan wada dar dar galinta Canshuurta oo saldhig u noqoneyso dhismaha iyo horumarinta dalka, waxaana ay qabaan hadii si wanaagsan loo maamulo dakhliga ka soo xaroodo in horumarkaasi uu dareemi doono qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®