SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al-Shabaab oo sii daayay shaqaale caafimaad

 


Al-Shabaab ayaa xalay xilli dambe sii daayay Shaqaale Caafimaad oo Arbacadii ina dhaaftay ay ka Afduubteen Degaanka Caluula-cad oo qiyaastii 10-KM u jira Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dadka ay sii daayeen Shabaabka ayaa waxa ay gaarayaan Afar Qof, kuwaasi oo kala ah kalkaaliye caafimaad, Laba Arday iyo Darawal, waxaana ay reebteen Dhakhtar dhinaca xoolaha ah.

Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haya Dhakhtarkii ay la scodeen Shaqaalahaas Caafimaad oo lagu magacaabo, Dr. Xasan Madoobe, Gaarigiisa iyo qalabkii Caafimaad ay ku shaqeyanayeen.


Lama oga sababta ururka Al-Shabaab ay u reebteen Dhaqtarkan oo ka tirsan ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha Goballada Dhexe.

Dadka Degaanka gaar ahaan Odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay wada hadal kula yeelanayaan Shabaab, kaasi oo ku aadan sidii ay u soo deyn lahaayeen Dr. Xasan Madoobe.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®