SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ingiriiska oo Kenya ka caawineysa Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

 


Dowladda Britain ayaa Gaadiid iyo qalab militari ugu deeqday Dowladda Kenya, si loo xoojiyo Dagaalka ka dhanka ah Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Wasiirka Difaaca ee Dalka Britain, Mike Penning ayaa agabkan militari ku wareejiyay Dowladda Kenya, waxuuna sheegay Ciidamada Kenya ay ka caawin doonan Dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab.

Wasiirka ayaa waxuu xusay in Gaadiidkan oo lix gaaraya ay yihiin kuw ka hortaga waxyaabaha qarxa, maadaama buu yiri miinooyinka ay yihiin kuwa inta badan lagu waxyeelooyo Ciidamada Kenya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiir Mike Penning waxuu sheegay in tabaro kala duwan ay siinayaan Ciidamada Kenya ee la geynayo Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya howlgalka AMISOM.

Dalka Kenya ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca Qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah oo lagu beegsado Ciidamada Dowladda Kenya, iyadoona weeraradaasi qaarkood ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®