SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Somaliland oo kaga digtay DF in mooshin ay uga soo hojeesto heshiiska saldhiga UAE la siiyey

 

Maamulka Somaliland ayaa ka digay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara gelin ku sameyso heshiiska saldhiga Millitari ee Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka furaneyso Magaalo xeebeedka Berbera.

Somaliland ayaa waxa ay sheegtay in aysan marnaba aqbali doonin in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara gelin ku sameyso saldhiga Millitari ee Imaaraadka uu ka furanayo Magaalada Berbera.

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Somalailand Xuseen Cige ayaa sheegay in Somalailand ay ka soo horjeedo Mooshinka xildhibaanada Baarlamaanka ay ka wadaan saldhiga Berbera.


Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii ina dhaaftay waxa ay diyaariyeen Mooshin ay kaga soo horjeedaan saldhigaasi, kaasi oo loo qeybiyay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®