SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

QM oo sheegtay in 60 Kun oo Qaxooti Soomaali ah ay dib ugu soo celiyeen Somalia

 


Hay’adda arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee lagu magacaabo UNHCR ayaa ku dhawaaqday in dalka ay dib ugu soo celiyeen Qaxooti ku dhow 60 Kun, taasi oo ah tiro badan.

Sidoo kale UNHCR ayaa sheegtay in weli ay socdaan dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed, waxayna Hay’adda tilmaamtay dhammaan dadka ay soo celineyso in ay u badan yihiin caruur iyo dad Da’ah.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay dadka la soo celinayo in ay yihiin kuwo iyagu doonaya in ay soo laabtaan, balse aysan aheyn dad si Qasab ah lagu soo kaxeeyay.


Hay’adda arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee lagu magacaabo UNHCR ayaa ugu dambeyn shaacisay tan iyo Bishii December 2014-kii in Soomaaliya ay dib ugu soo celiyeen 59,829 Qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo ku sugnaa xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay weerarada Shabaab ay ka geystaan dalka Kenya in laga soo abaabulo xerada Dhadhaab, waxaana arintaasi ay keentay in Qaxootiga laga soo raro xerada Dhadhaab.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®