SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maraykanka oo mar kale muwaadiniintiisa uga digay Kenya

 

Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Dalka Kenya iyo kuwa u safrayaba uga digtay rabshado laga yaabo iney halkaasi ka dhacaan Bisha August oo ah xilliga loo madlan yahay Doorashooyinka Dalkaasi.

Hadalkan oo ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibedda Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay dhici karaan dibed baxyo nabadeed iyo mudaharaadyo, kuwaas oo isu beddeli kara rabshado ay wax ka soo gaaraan Dad u dhashay Maraykanka.

Waxaa sidoo kale digniintan lagu sheegay in sida aalaaba dhacda ay fursad u noqon karto argagixisada, kuwaas oo laga yaabo iney beegsadaan ka qaybgalayaasha iyo martida kale ee Doorashooyinka.


Dowladda Maraykanka ayaa dhowr goor oo hore soo saartay digniino caynkan oo kale ah, iyadoo muwaadiniinteeda jooga Kenya ku war gelineysa inay ka feejignaadaan degaanada ay rabshadaha ka dhacaan.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®