SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Sarkaal Ka Tirsanaa Nabadsugiddii Kacaanka Iyo 82 Qof Oo Kale Oo Lagu Xiray Maraykanka.

 

Ciiddan ka socda Hay’adda Socdaalka Maraykanka iyo Xoojinta Sharciga ee Maraykanka ayaa la sheegay inay Xabsiga dhigeen 82 qof oo ka soo kala jeeda 26-dal.

War ka soo baxay Hay’adda U.S. Immigration and Customs Enforcement, lagu soo daabacay Websaytkooda ice.gov waxaa dadkaasi lagu soo qabtay Hawlgalo bishii hore ee March 26-dii ilaa 30-dii ka kala dhacay Gobalka Virginia iyo magaalladda Wshington DC iyo Gobalka Maryland.

68 ka mid ah dadkasi ayaa la sheegay inay yihiin Dembiilyaal horey loogu yiqiinay Fal-dembiyeedyadd Dhaca Hubeysan, Tuuganimo iyo Isticmaalka Daroogadda.


Qoraalka ka soo baxay Hay’adda Socdaalka Maraykanka iyo Xoojinta Sharciga ee Maraykanka aya lgu sheegay in Eedeysanayaasha la soo xiray uu ka mid yahay Muwaadin Somali oo 50-jir ah, kaasi oo la sheegay inuu ahaa Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabadsdugidda Qaranka Somalia “The Somalian National Security Service (NSS)-ta ee Xilligii Dowladdii Kacaanka oo ahayd Hay’ad ku caan baxday Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha, Kufsiga, Jir-dilka iyo Dilalka ka baxsan, waa sida lagu xusay Warbixinta.Qaanuunka.

Ninkaasi oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inuu ku lug leeyahay Dembiyo la xiriira Daroogada.

Dhinaca kale, Eedeysanayaasha kale ee ka mid ah 82-ka qof ee lagu xiray dalka Maraykanka ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan 26-Waddan oo ay ka mid yihiin:-Algeria, Bolivia, China, Cuba, the Dominican Republic, El Salvador, Ethiopia, Ghana, Guatemala, Guinea, Honduras, Iran, Jamaica, Mexico, Moldova, Mongolia, New Zealand, Nicaragua, Peru, Philippines, South Korea, Sudan, Trinidad, Vietnam and Sierra Leone.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®