SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamada AMISOM oo Dad Shacab ah ku dilay Duleedka Baraawe.

 


Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Ciidamada AMISOM ay tiro dad ah ku dileen Deegaanka Wareer Maleh ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaan Maxamed Xaafaay oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa u xaqiijiyay in Caruur , Hooyadood iyo Oday Da’ ahaa oo tiro ahaan gaarayay illaa 5 qof ay Ciidamada AMISOM ku dileen deegaanka Wareer Maleh oo hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana Xildhibaankaan oo hadalkiisa sii wata uu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato dhibaatooyinka Ciidamada AMISOM dadka rayidka ah ee degan Gobolka Shabeelaha Hoose kula kacaan.

Dhawaan ayey ahayd markii Ciidamada AMISOM sidaan oo kale tiro Dad Rayid ah ay ugu dileen Duleedka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®