SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Puntland oo sheegatey in aysan u Diidin Gargaar in La Gaarsiiso Taleex & Buuhoodle

 

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdi Xakiim Xaaji Cumar Camey oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa beeniyay warar dhawaanahaan la isla dhexmaraayay oo ku aadan in Puntland ay diiday duulimaad diyaaradeed oo ka dagi lahaa magaalooyinka Taleex & Buuhoodle oo sidey Gargaar bini aadamtinimo.


Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa tilmaamay in Garoomadaas ay yihiin kuwa ay Maamusho Puntland islamarkaana aysan marnaba hor istaagi doonin in gargaar la gargaarsiiyo dadka Magaalooyinkaas ku nool ee abaarta ay saameysay.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa tilmaamay in wararkas ay baahiyeen dad kasoo horjeeda Nabada deeganada Maamulka Puntand, talaabana laga qaadi doono dadka arrimahaas gacanta kula jira.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntlad ayaa cadeeyey in goobahaas la gaarsiin karro gargaar kasta oo loo hayo, ayna Puntland ogoshahay in Ummadda dhibaateysan loo gargaaro, balse in la siyaasadeeyo aysan cidna ka yeeli doonin.

Todobaadaan Gudihiisa waxaa soo baxay warar ku aadan in Gargaar loogu talagalay Puntland la gaarsiin waayay magaalooyinka Taleex & Buuhoodle.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®