SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Xawaadley iyo dhibaatooyin ka Xoogan oo uu geystey

 

Maamulka Deegaanka Xawaadley Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in xiisad u dhaxeysay dad xoolo dhaqato ah iyo dad beeraley ah in ay sababatay in la gubo guryo badan oo ku yaalay deegaankaas.


Gudoomiyaha Deegaanka Xawaadley Cabdule Macaani Adeeroow ayaa sheegay in xiisada ay ka dhalatay isqabsi dhul oo u dhaxeeyay dad xoolo dhaqato ah iyo dad beeraley ah islamarkana dhinac kamid ah ay gubeen guryo badan oo ku yaalay maqdas iyo kulmis oo ku yaala isla deegaanka.

Cabdule Macaani Adeeroow waxa uu tilmaamay in deegaanka guryihii ku yaalay gabi-ahaanba dhulka la dhigay islamarkaana, dadkii ku noolaa deegaankaas ay ka barakaceen cabsi ay ka qabanaan waxyeelo kasoo gaarto dhinacyadda colaado u dhaxeyso.

Dhanka kale Gudoomiyaha Deegaanka Xawaadley Cabdule Macaani Adeeroow ayaa sheegay in odoyaasha iyo waxgaradka deegaanka Gudoomiyaha Deegaanka Xawaadley Cabdule Macaani Adeeroow ay saakay ku howlan yihiin sidii oo xalin lahaa dhinacyadda dagaalamay.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®