SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Meydad laga helay xerooyinkii Ciidamada Ethiopian-ka baneeyeen ee Degmada Ceelbuur



Wararka laga helayo degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo shalay ay isaga baxeen Ciidamada Ethiopia ayaa ku soo warramaya in Tiro Meydad ah laga helay Saldhigyada ay baneeyeen Ciidamadaasi Ethiopia.

Meydadkaasi ayaa la rumeysan yahay in ay ahaayeen Dad ay dileen Ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa bur bur xoogan uu ka muuqdaa Guryaha dhowr Sano ka hor ay degenaayeen Dadka Shacabka ah ee ku yaalla Degmadaasi Ceelbuur.

Ethiopian-ka ayaa la sheegay in Guryahaasi ay kala baxeen Al Baabadii iyo Daaqadihii intaba.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Ethiopian-ka ay haatan ku sugan yihiin meel qiyaastii 5 km u jirta Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Waxaana Dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan Madaafiic ay Ciidamada Ethiopia ku soo tuuraan Magaaladaasi Ceelbuur oo haatan ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®