SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al-shabaab oo Shuruud Ku Sii Daayay Shaqaalo u Shaqeynayay Hay’adda WHO

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Xarakada Al-shabaab ay sii deysay 4-shaqaalo uu shaqeynayay Hay’adda Caafimaadka aduunka ee (WHO) oo shalay ay ka afduubteen Degmada Luuq ee Gobolkaas.


Taliyaha Booliska Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Shukri C/laahi Xuseen oo goordhaweyd hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab ay sii daayeen 4-ta shaqaalo oo u shaqeynayay Hay’adda WHO.

Waxa uu sheegay in odoyaasha Degmada luuq ee Gobolka Gedo ay arinta galeen, ugu dambeyntii ay ogaalaadeen sii deynta shaqaalaha oo kaliyah balse ay reebteen gaari ay wateen markii la afduubnayay shaqaalaha.

Taliyaha Booliska Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxa uu sheegay in gaariga ay u reebteen in ay ku dagaal galaan islamarkaana shuruudaha lagu sii daayay shaqaalaha ay kamid yihiin bixinta hub ay Al-shabaab ku dagalamaan.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®