SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka tacsiyadeeyey Wasiir Nuur Faarax oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

 

Innaa Lillaahi wa innaa illeyhi raajicuun

Muqdisho, Apriil 2.2017-------Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Golaha Xukuumada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Nuur Faarax Xersi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gadiidka Badda ee xukuumadii hore.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummada Soomaaliyeed, ee uu ka baxay, isaga oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala Muqdisho oo uu labadii todobaad ee ugu dambeysay ku xanuunsayay.

“Aadbaan uga naxay geerida Nuur Faarax Xirsi, waxaana alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno siiyo, Samir iyo iimaana ka siiyo qoyskii uu ka baxay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay inuu ahaa Nuur Faarax shaqsi howlkar ah oo daacad ah, isla markaana qeyb weyn ka qaatay sidii dalka horumar loo gaarsiin lahaa.

----DHAMMAAD----

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
ee Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®