SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faah-faahin:-Dil Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

 

Kooxo hubeysan ayaa xalay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxa ay ku dileen mid kamid ahaa ciidamada Dambi baarista ee magaaladaas, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Laamaha Amniga ee Gobalka Mudug.


Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag hubeysan ay dileen askarigaan kamid ahaa ciidamada Dambi baarista ee magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Falka dilka ayaa ka dhacay Woqooyiga magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana uu dilka dhacay xili uu askariga kasoo baxay masjid ku yaala Gudaha Magaladaas, wuxuu kusii jeeday hoygiisa oo aan sidaas ugu fogeyn masjidka.

Ilaa haatan ma jirto cid loo soo qabtay dilka xalay ka dhacay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®