SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/04/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Kenya Oo La sheegay In ciidankeeda Sidoonka Ay La Socon Doonaan Rakaabka ka Duulaaya Muqdisho ee u socda Nairobi.

 

Koox sirdoonka Militeriga Kenya ka tirsan ayaa si gaar ah ula socon doonta baaritaanka lagu sameenayo rakaabka ka baxaya Muqdisho ee tagaya Nairobi.

Duulimaadyadii tooska ahaa ee ganacsi ee Somalia iyo Kenya ayaa dib loo bilaabay Arbacadii sanado kadib.

Saraakiil Kenyan ah oo lahadashay jariidada The Star ee kasoo baxda Kenya ayaa sheegay in si aad ah loo adkeeyay garoonka Joma Kenyatta oo ay sirdoonka si weyn u feejigan yihiin iyagoo ka baqdin qaba in ay weeraro kaga yimaadan dhinaca Al-shabab.

Sirdoonkaasi qaarkood ayaa ah kuwa la socon doona diyaarada kasoo baxda Kenya ee timada Muqdisho,waxaanan sidoo kale la cadeyn shaqooyinka kale ay qabanayaan.

Khamisti Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadi doonan talaabo waliba oo amaanka dalkaasi iyo rakaabkaba lagu adkeenayo.

Inta aysan dib u bilaaban dulimadyada Muqdisho iyo Nairobi waxa Muqdisho u soo safray koox ka tirsan sirdoonka Kenya oo baaritaan ka sameeyay garoonka Aadan Cade iyo goobaha kale ee ku hareeresan.

Amaanka Garoomada Kenya ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana indhaha lala raacaya diyaaradaha ka baxa Somaaliya ee dalkaasi gaaraya.

Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in amaanka garoonka Muqdisho aad ah loo adkeeyay inkastoo uusan faahfaahin ka bixin hadii sirdoonkoodi ay ka howlgalayaan garoonka,Warar hore oo soo baxayay ayaa muujinayay in xafiis ay ku yeelan doonan sirdoonka Kenya garoonka Aadan Cade si dadka ay ugu baraan.

Waxa uu wasiirka hadalkiisa intaa ku daray in xukumadaha Kenya iyo Somalia ay koox amaanka garoonka sugta ay sameeyen.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®