Waxaa maanta halkaan idinkugu soo bandhigeynaa
buug sheekooyin ah oo uu qorey qoraa soomaaliyeed oo lagu magacaabo
C/qaadir Nuur Xuseen Maax waxaan idinkaga bilaabeynaa qeybtii
1-aad Buugii Sheekooyinka
Sheekadii 2. ARI IYO WEER
Beri baa waxaa wada sacdaaley labo nin oo saaxiibo , intay
jidka ku sii jireen ayey iska sii sheekeysteen, waxayna isaga
kaftameen hebelow haddii hadda lagu oran lahaa ilaahey waxaad
ka baridaa wax, kaas oo lagu siinayo, maxaad ka baryi lahayd?
wuxuu yiri waxaan ka baryi lahaa ari badan in ilaahey I siiyo
e, adigu maxaad ilaahey ka baryi lahayd? Wuxuu yidhi aniguna
waxaan ilaahey ka baryi lahaa yeey badan oo arigaaga cunta in
ilaahey I siiyo.
Saaxiibkii ariga baryey oo carro darted wejigu guduutay, bal
cadow inaad ii tahay maxaad yey arigeyga cunta ilaahey uga bariday,
ma dhibkeyga ayaad jeceshahay?
Maya dhibkaaga ma jecliye,hadfad adigu saaxiib k3eeytahay maxaad
ariga kaligaa ilaaheey ugabariday ,oohadaanilaaheey kaligeey
arikabaryay maad xoolaha noocyadoodakala kabaridid in ta aad
dugaag ka baryeyso, waan ku arkay oo adigu saaxiib fiican ma
ahid,
Labdii nin iyagoo qir iyo qir arintu ay ka tahay ayaa waxaa
soo ag maray nin faras saran oo labo ubbo oo subag ahna wata,
intay joojiyeen ayey ka codsadeen inuu u garsooro, markii uu
ka ogolaaday ayey dacwadoodii u sheegteen iyo wixii ay isku
haysteenba , ninkii garsooraha ahaa markuu aad u dhegeystay
ayaa intuu madaxa ruxay oo labadiisii ubbo oo subaga ahaa afka
ka furey oo foorariyey ayuu yidhi dhiigeyga sida subagaas alaha
u daadiyee wax labadiinan idinka doqonsan ma arkin. Waryaada
ma. Waxaad isku dagaaleysaan wax aydin haynin. Labadii nine
ee ishaystay intay is ewegeen oo qosleen ayey iska dhaqaaqiin
iyagoo la yaaban nacasnimada nin ay garta u dhigteen…
Sheekadiina halkaa ayey ku dhamaatay..
Sheekadii 3. RAALI GELINTA DADKA.
Beri baa waxaa dameer wada raacay wiil iyo aabihii, waxayna
ka safreen Magaalo, waxayna u socdeen magaalo kale, markii ay
magaaladii ka baxeen ayuu odaygii wuxuu dameerkii saaray wiilkii
isaguna wuu hogaaminayey. Markii ay cabbaar socdeen ayey waxay
soo mareen dad meel tuban. Dadkiibaa yaab muujiyey. Waxayna
yiraahdeen waa aakhiro sabaan, 'Odaygii waayeelka ahaa baa lugaynaya,
wiilkii yaraana Dameer buu saran yahay' Bal muu odaygu fuulo
oo wiilku hogaamiyo!!
Odaygii wuxuu maqlay hadalkii dadka, markay dhaafeen ayuu wiilkii
ka dejiyey Dameerkii, oo isagii baa fuulay, markay hal cabbaar
ah socdeen ayaa waxay soo mareen dadk kale oo meel tagtaagay
dadkiibaa misana amakaag muujiyey oo waxay yiraahdeen Odaygaan
cimrigiisa soo qaatay dameer buu saaran yahay. Wiilkii yaraana
wuu lugaysiinayaa, bal may labadooduba wada fuulaan hadduusan
wiilkaba saareyn.
Odaygii hadana hadalkii buu maqlay, markay xoogaa socdeen ayuu
wiilkii ku yiri; 'ila soo fuul dameerka oo iso fangal, halkii
ayey socodkoodii ka sii wateen Markay in cabbaar ah socdeen
oo ay magaaladii u sii dhowyihiin, ayey waxay soo mareen misana
dad kale oo rag iyo dumarba leh oo meel tuuran, intay qosol
iyo yax-yax muujiyeen ayey yiraahdeen Miskiin Dameerka waxay
ku fuushan yihiin laba qofood, so ma oga in xayawaanku cuquubo
leeyahay, waxaa uga sidaan uga kheyr badnaan laheyd inay isagaba
markiisa nasiyaan oo ay qaadaan!!
Odaygii hadana hadalkaas buu maqlay markay wax yar socdeen
ayey intay labadoodiiba Dameerkii ka degeen oo afarta lugood
ka xireen oo ul dhexda ka geliyeen ayey walwaaleen oo ay qaadeen
iyagoo sidii u sida ayey soo gaareen Buundadii Magaalada laga
galaayey, dadkii ayaa yar iyo weynba ka daba yaaceen, kuna oriyeen
oo ku yiraahdeen war waamaxay labada doqon ee dameerka sida.
Buuqii sawaxankii iyo qayladii dadka ayuu dameerkii ka sasay
markaasuu iska haraatiyey oo ka fakaday xarigii islamarkaana
buunadii ka dhacay oo webigii bartanka u galay odaygii iyo wiilkiisii
oo xarko maran sida ayaa mgaaladii galay, waxaana odaygii laga
hayaa 'qofkii dadkoo dhan raalli geli isyiraa wax la'aan baa
u dambaysa'
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Axada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622
Xafiiska Wararka
www.falaar.com
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com